Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways Oo Bilowday Duullimaad Toos ah, Nairobi iyo Muqdisho

Muqdisho(OWN)-Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa  bilowday duullimaad toos ah oo  isugu xiraya magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan shirkada.

Masuuliyiinta shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa sheegay in go’aankan ay shirkada duulimaadka uga bilaabayso magaalada Muqdisho uu yahay astaan muujinaysa in Kenya ay kalsooni ku qabto amniga hawada Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ay si lama filaan ah dib ugu dhigtay duulimaadyo ay ku tagi lahayd Muqdisho, kadib caqabado kasoo wajahay dhinaca buuxinta shuruudaha.

Horaantii sanadka ayay ahayd markii wada hadal yeesheen madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Soomaaliya Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo duulimaadyada ay shirkadda Kenya Airways horey uga fulin jirtay Soomaaliya mudo 20-sano ka hor.

Dib u bilaabidda duulimaadka shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa faa’iido u noqon doona kumanaan dad Soomaali ah kuwaas oo baahi weyn u qaba helidda adeegyo duulimaad oo casri ah kuwaas oo ku nool dalka Kenya.

Si kastaba waxaa jira faa’iidooyin ay dhaxli doonaan labada dal sida in Soomaaliya ay heli doonto saami uga soo xarooda duulimaadka shirkada Kenya Airways iyo tartan duulimaad oo ay gelin doonaan shirkadaha duulimaadyada casriga ah ee ka howlgala dalka taasoo iyana faa’iido u noqon doonta Soomaaliya

Dhinaca shirkadda Kenya Airways ayaa iyadu heli doonta dhaqaalo farabadan oo uga yimaada adeegsiga malaayiin ruux ay adeegsan doonaan duulimaadka shirkaddeeda kuwaas oo baahi u qaba in ay helaan shirkad duulimaad oo hufan kana caagan dhibaatooyinka ay dadku kala kulmaan safarada duulimaadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya taasoo faa’iido lixaad leh u noqon doonto shirkadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker