Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Gaadhay Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Iyo Wafti Uu Hogaaminayo, Ayaa Galabta U Amba Baxay Dalka Itoobiya.
Wafti uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka JSL, ayaa galabta safar ugu kicitimay DDSI halkaasi oo uu Kaga Qayb-Gali Doono Caleemo Saarka Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Itoobiya Oo Marka Kale Dib Loo Doortay Mustafe muxumed cumar “Cagjar”
Madaxwayne Ku Xigeenka JSL oo galabta ka gudbay xadka Labadda dal Ee Wajaale, ayaa lagu soo dhaweeyay Magaaladda Tog-Wajaale qaybta Itoobiya oo ay kaga horyimaadeen madax ka socota Maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA oo ay weheliyaan Maamulka Magaaladda Wajaale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker