Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Oo Joojiyey Mooshinada Golayaasha Degaanka Dalka

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxmed Kaahin Axmed, ayaa joojiyay qabashada shirar aan caadi ahayn oo ay yeeshaan goleyaasha degaanka ee dalku, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in goleyaasha degaanada dalka qaarkood rabaan inay xilalka kaga qaadaan maayarada degmooyinkaas.

Amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa guddoomiyehaasha gobolada iyo degmooyinka dalka lagu faray in aan la qaban karin shirarka la xidhiidha badalaada maayirada.

Wasaaradda arrimaha gudduhu waxay amarkan ku sababaysay in maayirada hogaaminaaya goleyaasha degaanka ee dalku ay ku cusub yihiin xilalka, sidaa awgeedna aanay sax ahayn in saddex bilood gudahood xilalka lagagabqaado.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker