Gobolka Maroodi-jeex iyo Xuska Maalinta Maanka Adduunka

Wasaaradda horuamarinta caafimaadka Somaliland ayaa magalad Hargeysa ku qabtay Munaasibada Xuska maalinta caafimaadka maanka Ee aduunka oo Sanad kasta la xuso 10 bisha O¹ctober.
Madasha sanadkan ayaa Hal kundhig looga dhigay “Isku tashi buu ku taaba galaa daryeelka maanka.”

Dr yacquub ayaa ka waramay maalinta xuska Maanka aduunka iyo Wacyigalinta , shantii caruura ka mid ah xanuunka maanka ayaa hayaa,Boqolkiiba konton uma dhintan xanuunada maanka balse waxay u dhintaan xanuunka kale jidhka sidoo kale xuquuqdooda ayaa aad loogu tacadiyaa.

Agaasimaha guud Ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Mudane: Dr maxamed Cabdi Xergeeye oo isna Halkaa ka hadlay Ayaa ku dheeraaday dadaalada iyo waxqabadka waaxada xanuunada maanka oo u sheegay inay hirgaliyeen siyaasada maanka shaqaale loo tababaray iyo goobo lagu xanaaneeyo dadka qaba xanuunada maanka iyo sidoo kale kor loo qaaday adeegyada cusbitaalada maanka ee hargeysa,gabiley,iyo boorama.

Agaasimaha guud Ee Cisbitaalka Dowlada ee Hargeysa Dr Axmed askar Ayaa dhankiisa ka warbixiyey adeegyada marxaladiihii kala duwanaa ee u soo maray cisbitaalka maanka ee hargeysa oo u sheegay in wakhtiyada qaar cadceeda iyo roobka aanay haysaniin meel ay ka galaan dadka lagu soo xidho balse manta ay horumariyeen.

Dhinaca kala Agaasimaha Cisbitaalka maanka Ee Hargeysa Ayaa ayaa isaguna dhankiisa sheegay in cidkasta oo danaynaysa bukaanada lagu daryeelo cisbitaalka maanka hargeysa inay soo booqan karaan wixii talo iyo tusaale ahna ay la wadaagi karaan halka u sharaaxad ka biixiyey adeegyo ay u fuliyeen bukaanada bishii u danbaysay.

Siciid Kaahin oo kamid ah dadkii ka bogsaday xanuunka maanka ayaa ka hadlay dareenkiisa oo usheegay in manta u caafimaad qabo balse kaliya u baahanyahay in la garab qabto oo ganacsi loo abuuro si aanu ugu soo noqon bukaankii u ka bogsaday.

Ugu danabayn wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan gaafaadhi Ayaa bogaadiyey shaqada ay hayaan Waaxada maanka isagoona kubdhiirigaliyey in wacyigalinta kor loo qaado isagoona balan qaaday inay samayn doonaan goobo lagu lafo guro xanuunada maanka.

Waaxda xidhiidhka dadwaynaha, Wacyigelinta iyo Warbaahinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker