Dawladda Kuuriyada Wuqooyi Oo Dadkeeda Kula Talisay in Coronavirus ay daweeyaan Toonta, Malabka iyo Basasha

Dawladda Kuuriyada Wuqooyi ayaa dadkeeda kula talisay, si ay uga adkaadaan ama uga hortagaan ‘Coronavirus’ in ay cunaan Toonta, Basasha iyo Malabka.

 

Dhinaca kalana waxa ay muwaadiniinteeda uga digtay cabbitaannada khamriga iyo guud ahaan Al-kahoosha noocyadeeda. Waxaa la ogyahay in khamriga iyo maandooriyeyaashu guud ahaan ay daciifiyaan habdhiska difaaca jidhka aadamaha, taas oo khatar gelinaysa nolosha qofka haddii uu ku dhaco xanuunka ‘COVID-19’.

 

Toonta iyo basashu waxa ay ka mid yihiin dawo dhaqameedka dhaqannada kala duwan ee adduunku ka midaysan yihiin ammaantooda, muddo qarniyo ahna u soo isticmaalayeen dawo ahaan. Labada geedba waxa ay leeyihiin awood xooggan oo ay ku dilaan bakteeriyada.

 

Waxaa isna la mid ah malabka oo ay diinta islaamka iyo dhaqanno badan oo horeba isku raaceen in uu dawo muhiim ah u yahay bakteeriyada iyo xanuunno kale oo badan.

 

Daily Express

Kamaal Axmed Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker