War deg deg ah: Murashax Trump oo Sheegay inuu Guulaystay

New York (OWN) –  Waxaa weli socota tirinta codadka doorashada wadanka Mareykanka oo ay si weyn ugu Tartamayaan Donald Trump & Joe Biden.

Trump oo goordhawayd Wariyeyaasha kula hadlay dhismaha Aqalka Cad ayaa guul ka sheegtay doorashada, iyadoo ay wali Hadhsan yihiin malaayiin codad ah oo aan weli la tirin.

 

 

“Waan ku guuleysannay doorashadan,” ayuu yidhi madaxweyne Trump oo loolan adag kala kulmaya musharraxa Xisbiga Dimquraaddiga ee Joe Bide

 

 

 

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey madaxweyne Trump “Tani waxay ceeb ku tahay dalkeenna,”

 

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu aadayo maxkamadda sare, si uu uga dacwoodo natiijada doorashada,

 

Isaga oo ka soo horjeeda tirinta codadka lagu dhiibtay dhanka Boostada oo uu shaaciyey in la doonayo in lagu xado codadka doorashada.

 

Marka laga tago sheegashada Trumo waxaa soo baxaya inuu haatan aad u horreeyo Joe Biden, iyadoo sidoo kale la saadaalinayo inuu ku guuleysto gobolka Minnesota oo ku yaalla bartamaha galbeedka Mareykanka, ayna ku nool yihiin Soomaali fara badan.

 

Si kastaba waxaa laga cabsi qabaa in uu muran xoogan ka dhasho natiijada doorashadan, islamarkaana la’isla aado maxkamadda sare ee dalka Mareykanka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker