Ciidanka Sucuudiga Oo Qabtay Soomaali Daroogo Gelin Lahaa Dalkaas

Afhayeenka Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Sacuudiga, Kolonel Musafar Bin Qanaam Al-qurayni ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 27 Eedeysane oo xuduudka Koonfureed ee dalkaasi ka soo gelin lahaa Xashiish culayskiisa guud dhamaa 367 Kiilogaram.

 

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Eedeysanayaasha lagu qabtay Hawlgalkaasi  ay kala ahaayeen 23 Ethiopian ah, 7 Soomali ah iyo 4 u dhashay dalka Sacuudiga.

 

Waxa uu tilmaamay inay Eedeysanayaasha iyo Daroogadii lagu qabtay u gudbiyeen Hay’addaha Ammaanka, si ay u dhamaystiraan Baaritaankooda, ka hor inta aan loo gudbinin Maxkamadaha ku shaqada leh Kiiskooda.

 

Dhinaca kale, Shabakadda Wararka Sacuuidga ee Almuwaadin oo aan warkan ka soo xiganay ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah Sawiradda Eedeysanayaasha lagu qabtay Xashiishka iyo xubno ka tirsan Ilaaladda Xuduudka oo ay hor yaallaan xirmooyinka Xashiishka ee ay ku qabteen Xuduudka Sacuudiga la wadaago dalka Yemen.

 

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’addaha Ammaanka Sacuudiga sheegaan inay gacanta ku dhigeen Muwaadiniin ka soo jeeda dalalka Geeska Afrika, kuwaasi oo faraha kula jiray fal-dembiyeedyadda Daroogadda loogu tahriibiyo Gobalak Jizaan ee Sacuudiga ee kaabiga ku haya Xuduudka dalka Yemen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker