Yaa Sameeyey Ama Hal buuray Calanka Beesha Sheekhaash (Sheekaal)?

Damaashaadyo iyo rayn rayn aan kala go’lahayn ayaa ka socda daafadaha dunida, kuwaas oo lagu soo dhaweynayo callanka beel weynta Soomaaliyeed ee Sheekhaash ( Sheekhaal ) oo la daah-furay bishii August ee sanadkan 2021.

Dabaal Degyada lagu maamuusayo laguna soo dhaweynayo callanka cusub ee beesha sheekhaash ayaa ka kala dhacay daafaha adduunyada oo guud ahaan beeshaas dadkeedu ku sugan yihiin, gaar ahaana deegaanada Soomaalidu degto ee shanta ah ay deegaano khaaska ah beeshu kaga suntan tahay kana degto.

Dhulka Soomaaliyeed ee Beeshu deggan tahay, deegaamada Balaadhana ay kaga leedahay ayaa waxaa kamid ah Waddamada Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti.

Beeshan ay aqoonta Maadiga Iyo Diintaba Bulshada Soomaaliyeed ku Cisayso, ayaa daafaha dunida ku qabsaday xaflado xaflado Calanka soo dhaweyntiisa lagu sharfayo, kuwaas oo oo ay ka soo qayb galeen, aqoonyahan, indheer-garad, haween, dhalinyaro, waayeel iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee beesha Sheekhaashi ka kooban tahay, isla markaana ay kala soo qayb galeeen, masuuliyiin iyo shacab jecel horumarka oo metelaya bulshada Soomaaliyeed.

Xafladahan loogu dabbaal-degayo Calanka u gaarka ah Beesha Sheekhaash waxa ay ka kala dhaceen magaalooyinka ay ka midka yihiin, Muqdisho, Nairobi, Addis Ababa, Jig-jiga, Banbaas, Raaso, Galkacayo, Kismaayo, Minneapolis, London, Stockholm, Paris , Munich, Zurich iyo Meelo badan oo kale.

Dhamaan martidiii ka qayb gashay xafladahaasina waxay si isku mid ah u soo dhaweeyeen, Calanka beesha Sheekhaash oo ay ku sifeeyeen mid horseedi doona isku duubni, horumar  beesha dhexdeeda ah, noqona doona calan Bulshada Soomaaliyeed ee reerkani kamidka yahay u keeni doona nabad.

Yaa Sameeyey Ama Hal Abuuray Callanka Beesha Sheekhaash?

Calanka Beel-weynta Sheekhaal ama Sheekhaash waxaa Sameeyey Daahir Nasteex Maxamed.

Haddii aad isweydiinayso, Waa kuma shaqsiga uu maskaxdiisa ka soo maaxday, isla markaana hal abuuray callanka midabada – Casaanka – cadaanka – madowga iyo Cidifka calanka Soomaaliya kaga Suntan yahay ee ay maanta kadib beesha sheekhaasheed ama sheekhaaleed yeelan doonto?

Waa tan jawaabta iyo sababta ka dambeysayba.

Halkan aan Idin kula wadaago Daah Furka Urur Cusub Oo Kamid Noqondoona Ururrada Soomaliyeed Uruurkaas Waxaa Loogu Magacdaray (Midawga Beesha Sheekhaash) MBS.

Ujeeddada Looo Aas Aasay Ururka Markaan.Aragnay Baahiyaha Loo Qabo Iskuduubnida Cidaas Magacaas le Iyo Lajaan qaadida Hormarka Kajira Caalamka Guud Ahaan Iyo Gaar Ahaan Kan Afrika  Iyo Waliba baahiya Kale Oo Farabadan Ayaa Waxaan Go aan Sanay Samaynta Ururkan.

Waxaa Kamida Waxyaabaha Loo Sameeyay Ilaaa Hada Ururkan Calan Kaas Oo Astaan Iyo calaamadba u aha Ururkan.

Alifaha Calanku: Waa (Daahir Nastex Maxamed)

Kudhashay DDS. Gaar ahaaan Dagmada Garbo

Taariikha Lasameeyay Calanka Waa 01-02-2021

Waxaana La shaaciyay 05-07-2021

Shirkii Koobaad Waxaan Galay 2021-7-22

Shirkii Labaad Waxaan Galay 2021-8-15

Shirkii Sadexaad Waxaan Galay 2021-8-30

Shirkii Afraad Waxaan Galay 2021-9-10

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker