Daawo: Falanm-qaynta  Suuqa Ciyaaraha ,, Ronaldo oo Loogu Codeeyay Garabkii ugu Fiicnaa ee Soo Mara Premiere League

Cristiano Ronaldo ayaa loogu codeeyay inuu yahay xiddigii garabka ee ugu fiicnaa ee abid soo mara Horyaalka Premier League.

Xiddiga reer Portugal ayaa lix sannadood ku qaatay Manchester United intii u dhaxeysay 2003 iyo 2009 isagoo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sannadkii 2008.

 

 

Ronaldo ayaa ahaa mid wacdarro dhigayay xilli ciyaareedkii 2007-08 isagoo dhaliyay 31 gool islamarkaana sameeyay 7 caawin kale 34 kulan uu saftay horyaalka Premier League.

 

 

Mudadii uu joogay Man United, Ronaldo oo haatan 35 sanno jir ah ayaa dhaliyay 118 gool isagoo caawiye ka noqday 69 gool 292 kulan uu saftay, waxa uu ku guuleystay seddex horyaal iyo hal Champions League.

 

 

 

Codbixin ay taageerayaasha kubada cagta ka qaaday Footanll Tweet ayuu halyeeyga Manchester United ku qaaday abaalmarinta codad aad u badan.

Waxa uu finalkii la tartamayay halyeeyada kale ee Red Devils Ryan Giggs iyo David Beckham iyo sidoo kale xiddigii hore ee Chelsea Eden Hazard, Ronaldo ayaa helay boqolkiiba 49.1 codadkii ay dhiibteen 27 kun taageerayaal ah.

 

 

 

Semi-finalkii waxa uu xiddiga reer Portugal ka soo talaabsaday Gareth Bale, Raheem Sterling iyo Marc Overmars isagoo helay boqolkiiba 79.7 codadkii ay dhiibteen 25 kun taageerayaal ah

 

Falanm-qaynta  Suuqa Ciyaaraha

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker