Madaxweynihii hore Cabdi Iley oo markii Shanaad ka soo muuqday Maxkamad

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta oo Jimco ah markii Shanaad ka soo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Maxkamadda ayaa maanta markale bilawday dhageysiga kiiska loo heysto Cabdi Maxamuud, iyada oo maxkamadda ay goob joog ahaayeen dad badan oo ehelkiisa ay ku jiraan.

Dhageysiga dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa horay dib loo dhigay muddo 14 cisha ah, ma cadda in maxkamadda maanta ay rideyso xukun.

Cabdi Maxamuud ayaa ku eedaysan inuu gaystay dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, eedahaas oo uu isagu beeniyay in uu geystay.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga soo xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bishii August ee sanadkan, kadib markii baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker