Farmaajo Oo Guddi Baadhitaan U Magacaabay Kiiskii Ikraan Tahliin.(Akhriso)

Farmaajo Oo Guddi Baadhitaan U Magacaabay Kiiskii Ikraan Tahliin.(Akhriso)

 

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inuu soo baari kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

 

 

Farmaajo ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood oo kala ah:

 

 

1- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye

2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiye-ku-xigeen

3. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xubin

4. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xubin

5 Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad -Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xubin

 

 

 

 

 

 

Tallaabadan ayaa loo arkaa isku day kale oo madaxweyne Farmaajo uu ku hor-istaagayo in Maxkamadda Ciidamada ay baadho kiiskan, islamarkaana dadka lagu tuhmayo, oo ay ku jiraan madaxda sare ee NISA la horgeeyo maxkamadda.

 

Arritan ayaa ku soo aadaysa xili uu weli taagan yahay khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil iyo xilka ka qaadista taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker