Militeriga Mozambique oo sheegay inay dib ula wareegeen Palma

Militeriga Mozambique ayaa sheegay inay dib ula wareegeen magaalada Palma oo ku taalla waqooyiga dalkaas kadib markii dhawaan maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen.

Tirada rasmiga ah ee dadka halkaas ku dhintay ayaanan illaa hadda la ogayn, hasayeeshee waxaa halkaas ka soo ifbaxaysa dhibaato bini’aadamnimo xilli kumannaan qof ay colaaduhu barakiciyeen.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ugu yaraan 11,000 qof ay isaga qaxeen magaalada Palma.

Afahayeen u hadlay militeriga Mozambique ayaa sheegay in haatan gebi ahaanba ay dib u qabsadeen magaalada kadib markii ay ka saareen maleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday halkaas.

Waxaa adag in la xaqiijiyo warkan maadama ay go’an yihiin adeegyada isgaarsiinta tan iyo markii bishii hore ay maleeshiyaadka weerareen Palma.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker