Ilhaan Cumar Oo Kasoo Hor-jeesatay Qorshe Maraykanku Kusoo Musaafurinayo Muhaajiriin Soomaali Ah

Ilhaan Cumar ayaa dhalleeceysay laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka sababa la xidhiidha suuragalnimada in masaafurin karaan muhaajiriinta si sharci-darro ku jooga Maraykanka oo dib loogu celiyo Soomaaliya.

Xildhibaanada xisbiga dimuqraadiga ayaa sabab uga dhigtay cabsida coronavirus.

“Laanta socdaalka ayaa lagu wadaa inay tobanaan shaqsiyaad ah ka masaafuriso degmadeeyda Soomaaliya, iyadoo qatar u ah faafitaankaCOVID,” ayay barteeda Twitter-ka ku qortay xildhibaanada dimuqraadiga Minnesota.

Waxay sheegtay Falalka musaafurinta in aanay kaliya khatar ku ahayn shakhsiyaadkan, laakiin ay cawaaqib fog ku yeelan karto Soomaaliya.

Maxaabiista nugul cawaaqibka ugu xun ee musaafurintoodu keeni karto waxay macno ahaan noqon kartaa nolol iyo geeri, sida ay Dimuqraadiyiintu ku sheegeen warqad ay u direen Waaxda Amniga Gudaha oo ku saabsan faafitaanka fayraska corona ee xarumaha dadka laguhayo ee ICE.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker