Ethiopian Airline Oo 40 Sano Kadib Beri Duulimaad Ka Bilaabaysa Muqdisho

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in mudo 40-sano ah kadib ay diyaarada Ethiopian airline dib u bilowdo duulimaadkii magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa ee aan shaqeyn kudhawaad nus qarni.

Ethiopian Airlines oo kamid ah diyaaradaha xiligan ugu duulimaadka casrisan Afrika ayaa horey u bilowday duulimaadkeedii magaalada Asmara waxaana sida ay ku warameen masuuliyiinta Ethiopian Airline ay sheegeen in labada bishan oo bari ku beegan ay toos u bilaabayso diyaarada duulimaad Muqdisho iyo Addis Ababa ah.

Sida qorshuhu yahay masuuliyiin ka socota Ethiopia ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan daahfurka duulimaadka shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Air waxaana daahfurka duulimaadka diyaaradeed ay noqonaysaa talaabo dhanka hormarka loo qaaday.

Ethiopian airline ayaa 1970-meyadii hakad galisay duulimaadkii magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa kadib dagaal ka dhex qarxay dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia kaasoo sababay in uu xumaado xiriirkii ka dhexeeyay labada dowladood ee ku yaala gobolka Geeska Afrika.

Si kastaba duulimaadka diyaarada Ethiopian AIR ee Soomaaaliya ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan diyaarado caalami ah oo duulimaadyo ka iskaga kala googahsa Soomaaliya yio caalamka intiisa kale sida diyaarada Turkish Air oo kamid ah diyaaradaha caalamiga ah ee ka dhoofa garoonka Aden Cadde.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker