Ahlu Sunna oo ka Hor Timid Shuruudaha Guddiga Doorashada Galmudug Soo Gudbiyeen

Dhuusamareeb (OWN) – Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si weyn uga Horyimid Shuruudihii uu xalay soo bandhigay guddiga farsamada maamul u dhisida Galmudug, kuwaas oo la xariiray ka mid noqoshada baarlamaanka.

 

War ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in shuruudaha guddiga aysan quseyn 20-ka xubnood ee ay dhowaan soo xushay.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa shaacisay inay xor u tahay xubnaha laga siiyey baarlamaanka labaad ee Galmudug, taasina ay ku cadahay heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga Doorashada Galmudug ee ay magacawday Wasaaradda Arria gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan weli aqoonsaneyn, islamarkaana aysan ku laheyn wax matalaad ah.

 

Ugu dambeyn waxa ay Ahlu Sunna ugu baaqday dowladda dhexe inay ilaaliso heshiiska labada dhinac, iyada oo tilmaamtay in dhankeeda ay sidiisii u fulisay.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu xalay farsamada uu soo saaray 11 qodob oo laga doonayo qofka noqonaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, iyadoo qodobadaasi ay saamaynayan dhammaan 89-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socota soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub Galmudug, waxaana sharuudahan la soo saaray, xilli aanay horey u kala cadayn qofka noqon kara Mudane Baarlamaanka Galmudug ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker