Waa kuwee deegaannada Al-shabaab ay dib u qabsadeen?

Dagaalyahannada ka tirsan Al-shabaab ayaa dib uga qabsaday ciidamada dowladda ugu yaraan laba deegaan oo horey iyaga looga qabsaday intii ay socdeen howgallada cusub.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaal culus uu Al-shababa iyo ciidamada dowladda ku dhex maray deegaanka Cowsweyne.

Xog laga helay cusbitaal ay leeyihiin ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa sheegaysa in ugu yaraan 50 askari oo dhawaac ah la geeyay cusbitaalkaas, halkaa oo lagu dabiibayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in bilo gudahood ay kaga adkaan doonaan Al-Shabaab.

Jimcihii ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku Al-shababa kala wareegeen magaalada muhiimka ah ee Ceelbuur halkaa oo Shabaab xukumayeen sanooyin badan.

Si kastaba ha ahaatee dib u qabsashada tuulada Wabxo ayaa muujineysa in ciidamada ay u nugul yihiin weeraro rogaal celis ah oo lagu qaado goobaha ay Shabaabku muddo dheer ku sugnaayeen, laakin dhawaan lagala wareegay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker