Maareeyaha Hay’adda Duulista JSL Oo ka Hadlay Wada Hadalka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland  mudane Cumar Sayid Cabdillaahi Aadan ayaa ka Hadlay Wada Hadalka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya

Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaaradda Somaliland ayaa sheegay in Somaliland, ay diyaar u tahay in arrinta hawadda labada dal wada hadal ku dhammaato, balse dhanka Soomaaliya wax ka xaniban yihiin.
waxaa kale oo uu ka hadlay diyaarado caalamiya oo danaynaya in ay Somaliland duulimaadyo ka bilaabaan iyo furitaanka madaaradda Berbera iyo Ceerigaabo.

Mar uu ka hadlayay maareeye Cumar Sayid, dadka Somaliland yimaada iyo la socodka caafimaadkoodka iyo shaqsiyadooda in ay lid ku tahay Somaliland iyo in kale waxaanu sheegay in shaqadaasi ay leeyihiin, wasaaradda arrimaha gudaha, ciidanka laanta socdaalka iyo wasaaradda caafimaadka, balse iyaga ay soo maraan, dad fiisayaal dal ku gal la soo siiyay oo sharci dalka ku imanaya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker