Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Koox Dablay Ahi Weerar Ku Qaadeen Degmada Lughaya

Wasiirka Gashaandiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Cateeye, ayaa la sheegay in habeen dhaweyd lagu weeraray Degaanka Cabdi Geeddi ee Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal, kaas oo ay koox dablay hubaysani ay rasaas ku weerareen xilli uu halkaas socdaal shaqo ku marayey.

 

Odayaasha Wax-garadka degaankaas oo la hadlayey Telefishanka Baddacas ayaa arrintaas ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado, waxaanay sheegeen inuu falkaasi ahaa mid lala damacsanaa Wasiirka difaaca Somaliland in lagu khaarajiyo ama lagu dilo, balse aanay wax waxyeelo ahi ka soo gaadhin,iyagoo ku eedeeyey falkaas inay ka dambeeyeen maleeshiyo beeleed ku sugan deegaanka Gucundhaale ee degmada Lughaya.

 

Odayaasha ayaa hadaladoodii waxa kamid ahaa: “Halkani waa Degaanka Cabdi Geedi, Beel weynta  Ciise ayaanu u dhanay,waxaan ka hadlaynaa shilkii ka dhacay habeenka dhaweyto halkan ee lagu carqaladeeyey Wasiirka  Gashaandhiga waxa weeye waxaasi waa wax ba’an dalka iyo dadka iyo Dowladnimadaba wuu damqay,waxa weeye annagu haddii aanu nahay Beesha Ciise waan ka xunahay,waxaan u sheegaynaa Xukuumadda iyo Madaxweynaha Somaliland,Muddane Muuse Biixi Cabdi in falkaasi uu ahaa mid lagu beegsanayey Wasiirka isla markaana la doonayey in lagu dilo,kaas oo ay sheegteen dad degmada kamid ahi cidii kale ee u sababina ha u sabab ahaatee,.”Ayey Sheegaan

 

Dhanka kalena Odayaasha degaankaas ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu wax ka qabto arrintaas“Meeshani wixii ka dhacay nin waliba wuu maqlay,Wasiirkii Difaaca Somaliland,in halkani lagu wax yeeleeyey oo lagu rasaaseeyey,waxaa ka dambeeyey falkaas geystay oo fuliyey,Cabdiraxmaan Saylici ayaa geystay, maalinba nin ayaa soo mari wasiir ah oo waa lagu toogan uun , waxaan leenahay Madaxweyne Wasiirka difaaca ee la rasaaseeyey waa adiga kan khalkhalka gelinayaa ee Cabdiraxmaan Saylicina waa adiga,haddii aanad wax ka qaban maalinba nin ayuunbaa yaala.”ayey yidhaah-deen

 

Ugu Dambeyn Odayaasha Beesha Ciise ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday inuu sharciga horkeena kooxdii falkaas ka dambaysay, kuwaas oo ay sheegaan inay ku sugan yihiin degaanka Gargaara gaar ahaana Gocondhaale ee degmada Lughaya “Waxaanu joognaa Degmada Lughaya haddii aanu nahay qabiilka Ciisaha ,waxaanu ka hadlaynaa dhibtii loo geystay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Cateeye,waxa weeye ninku kolka uu Wasiir yahay, waa wasiirkii gaashaandhiga waaxa weeye dhibta lagu sameeyey,isagoo maraya dalkiisa oo iska jooga dhibta lagu sameeyey ee qorshaysan,ninka soo qorsheeyeyna waa Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaa soo qorsheeyey,waxaan leenahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waa in wax laga qabtaa dadkii dhibtaas ka dambeeyey, kuwaas oo ah qaar carqaladaynaya nabada iyo jiritaanka Somaliland , Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa in dadkaas ka dambeeyey falkaas in Maxakamada sharciga la soo taago.”..Ayey yidhaahdeen odayaasha la hadlay warbaahintu.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker