Xukuumadda Somaliland oo Farriin Hambalyo ah u Dirtay Dawladda iyo Shabiga UAE

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  ku bogaadisay dawladda Imaaraadka Carabta  xuska maalintooda qaranimada dalkaasi oo 2-da December oo maanta ku beegnayd.

Dhambaal hambalyo ah oo Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu ku baahiyey bartiisa Twitterka, kaasi oo u qornayd sidan:-

“Xukuumadda JSL waxa ay si niyadsai ah ugu hambalyeynaysa Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, Maamuleyaasha iyo shacabka Imaaraada Carabta munaasibadda maalinta qaranimadooda.

Waxa kaloo Madaxweyne Ku-xigeenka JSL  sheegay inuu u rajaynayo  Imaaraadka Carabta inay ku naaloodaan nabadda iyo barwaaqada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker