Qaabka Isbeddelka Tignoolajiyada U Saamaysay Nolosha Aadamaha

Waxa xilliyadii hore qofka u fududeyd inuu Muraayada ka daawado naftiisa iyo waxyaabaha aadka uga ag dhaw, balse Tignoolajiyada Dunida ee labadii qarni ee u dambeeyay ku tallaabsatay horumar laxaad leh waxay soo kordhisay inay fududayso arrimo badan oo Nolosha aadamaha Dunida guudkeeda ku nool.

 

Horumarka Tignoolajiyada Dunida ka hana qaaday labadii Qarni ee u dambeeyay waxay taabtay arrimo badan, haddaba waxaynu qormadeenan isku barbar dhigi doonaa qaabka ay tignoolajiyadu u saamaysay Nolosha Aadamaha:-

 

1.Dhegaysiga Muusiga:- Dadku waxay sanadihii sagaashamaadkii tegi jireen suuqyada si ay Istuudiyaashii uga soo duubtaan amase uga soo iibsadaan Canjalado, xilligaasi kaddibna Maanta Tignoolajiyadu waxay qof kasta u fududaysay sidii isagoo sariirtiisa jiifa uu dhegaysan karo wax kasta oo u baahdo.

2.Baabuurta :- Baabuurtii hore ee la isticmaali jiray waxa lagu qasbanaa in marka aad xidhayso aad gacmahaaga adeegsato oo aad ku xidho marka aad ka degayso iyo waliba haddii aad muraayada Dallacayso ba, haddase waxaasi oo dhan ba uma baahnid si yar oo fudud ayaad u xidhxidhanaysaa gaadhigaaga, sidoo kalena waxay Tiknoolajiyadu wax ka beddeshay qaabkii ay dadku adeegsan jireen xilliga ay meel u safrayaan haddii ay tahay Safar Badda ah iyo mid bariga ah ba, waxaanay xilliyadii hore dadku qaadan jireen khariidado Waraaqo ka samaysan, maantase waxaad kaxeysanaysaa Gaadhi qalabkiisa oo dhan ba u dhan yihiin oo xattaa kuu tilmaamaysa meesha aad u baahato ee aad garan weydo.

3.Teleefanada Gacanta :- Xilliyadii hore Teleefanada Gacantu waxay ahaayeen kuwa aad u waaweyn waxaanay lahaayeen Cod aad u dheeraa waxaana loo adeegsan jiray oo kaliya in lagu hadlo, haatanse waxa teleefanka gacanta ee aynu adeegsanaa ka mid noqdeen Nolosheena oo waxaynu ku keydsanaa arrimo aad u tiro badan oo Nolosheena khuseeya taasoo aan ahayn mid Labaatan Sano ka hor la sawiran karayey.

4.Internet-ka :- Waxaaynu xasuusanaa in markii uu Internet-ku ku faafay Dunida Sanadadii Sagaashameeyadii waxa uu qofka kastaaba dhib la mari jiray sidii uu Internet-ku u shaqayn lahaa waxaanu qof walbaa dhegaysan Jiray Codkii u gaarka ahaa inuu Internet-kii xidhiidhsamay oo uu shaqaynayo, balse si yar oo fudud ayaad u adeegsan kartaa Internet-ka adigoo aan wax dhib ah u soo marin.

 

Haddaba, Xilligan Tignoolajiyadu waxay tahay arrin aad u muhiim ah oo aanay Nolosha aadamuhu ka maarmi karin, Sababtuana waxay tahay in Xattaa Caafimaadka qofku uu ku xidhan yahay Horumarka Tignoolajiyada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker