Hanti dhawraha Guud ee Somaliland oo Ka Hadlay Xaalka Dad Muddo u Xidhnaa Arrimo Musuq Maasuq

 

Dawladda  Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dad badani U xidhxidhay Yihiin Arrimo la xidhiidha Musuq-maasuq, kuwaasi oo qaarkood la horgeeyay Maxkamad, kadib markii lagu helay eedeeymo Musuq-maasuq.

 

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa lagu sheegay in Dawladdu ay  19 qof u xidhay Musuq-maasuq, isla markaana qaar kamid ah dadkaas la horgeeyay Maxkamad, lana xukumay.

 

Sidoo kale Qoraalka Hanti-dhowraha ayaa  lagu sheegay in qaar kamid ah 19-kaas  qof ee xidhan weli aan la horgeyn Maxkamad, Hasa yeeshee la horgeyn doono sharciga, maadaama lagu helay arrimo la xiriira Musuq-maasuq.

 

Hant dhawraha Guud ee  Qaranka  Somaliland ayaa  sheegay  in Sanadkan 2020 Uu Hant dharku  qaaday tallaabo kasta oo lagaga hortegayo Musuq-maasuqa, Isla Markaana ay culeyska saareen horumatinta xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed.

 

Ugu dambeyn Hanti-dhowraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa shacabka ugu baaqay in si wadajir ah looga wada-hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga arrimaha la xiriira Musuq-maasuqa oo xiliyada qaarkood la sameeyo.

 

Hoos ka Akhrsiso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker