Diyaarad ay leedahay Itoobiya oo ku burburtay maanta gudaha Soomaaliya

Wararka inaga soo gaadhaya degmada Xudur Ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaarad meliteri ay ku dhacday garoonka degmadaasi.

 

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada ay laheyd dawlada Itoobiya ay sahay usiday ciidamada itoobiyaanka kusugan Magaalada Xudur.

 

 

Hal Askari ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay wararku sheegyaaan iyadoo xaalada ay cabaar kacsaneyd.

 

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa goobta kusugan mana sahlana in laga ag dhawaado,iyadoo cilad farsamo ku timid diyaarada ay shilkaasi ku gashay.

 

Maanta ayaa sidoo kale waxaa diyaarad rakaab ah ay shil ku gashay meel ku dhaw garoonka diyaaradaha ceel waaq ee gobolka Gedo inkastoo khasaaro aysan geysan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker