Isbarbardhiga Isbahaysiga Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID 2021, Isbahaysigii Sannadkii 2005-tii Ay Galeen UCID Iyo KULMIYE

 

Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI oo guulo ka gaadhay doorashooyinkii dalka ka dhacay ee Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ayaa shaaciyey inay samaysteen isbahaysi siyaasadadeed,waxaanay magacaabeen Guddid hawleedyo ay u xil saareen inay ka shaqeeyaan dhisida Maayaradda Magaalooyinka iyo shir Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Isbahaysigan Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay ku dhawaqeen ayaa waxa sas ka qaaday Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE oo u arka inuu halis ku hayey danaheeda siyaasadeed ee gaarka ah.

Haddaba maxay isbahaysigan siyaasadeed ee Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay hadda samaysteen uu kaga duwan yahay isbahaysigii ay cahdigii Dawladdii Madaxweyne Daahir Riyaale samaysteen Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID sannadkii 2005-kii markii ay doorashadii Golaha Wakiillada ay ka qabsoontay dalka,taas oo aqalabiyadda Golaha Wakiillada ay qaateen labadoodu.

 

Isbahaysigii Sannadkii 2005-kii ee Xisbiyadda UCID,KULMIYE

Horraantii bishii October sannadkii 2005-tii markii lagu dhawaaqay natiijadii hordhac ahayd ee doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Xisbiyaddii Mucaaradka ahaa ee UCID iyo KULMIYE, ay samaysteen isbahaysi siyaasadeed,kaas oo u suurageliyey inay shir Guddoonka Golaha Wakiillada hantiyaan,kuwaas oo xubnaha shir Guddoonka u kale qaatay sidan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa loo doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro )oo ka soo baxay xisbiga UCID, halka Cabdicasiis Maxamed Samaale Iyo Baashe Maxamed Faarax oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha,waxa ay taas keentay in labadii Xisbi ay sidaas ku hantiyaan hoggaankii Golaha Wakiillada,isla markaana ay noqdeen qaar siyaasad ahaan is garabsada.

 

Isbahaysigan ay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID Samaysteen 2021-ka

Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo ku guulaystay doorashooyinkii Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka dhacay dabayaaqadii Bishii May ee sannadka 2021-ka ,isla markaana aqlabiyadda kuraasta Golaha Wakiillada iyo degaanka helay, ayaa ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeed,waxaanay magacaabeen Guddi isku dhafan oo toban xubnood ka kooban oo la sheegay inay ka shaqaynayaan dhisida hoggaanka Shir Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Maayaradda Magaalooyinka dalka,maddaama oo ay haystaan aqlabiyadda kuraasta Golayaasha degaanka iyo Wakiillada guud ahaan-ba dalka.

Waxay Ku Kale Duwan Yihiin Isbahaysigii 2005-kii ee KULMIYE Iyo UCID Iyo Isbahaysigan Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID 2021-ka

Isbahaysigan Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay hadda ku dhawaqeen ayaa ah mid miisaan leh oo ka sal ballaadhan kana duwan, isbahaysigii UCID iyo KULMIYE ay samaysteen doorashadii Golaha Wakiillada ee sannadkii 2005-kii,kaas oo ahaa kaliya oo ku koobnaan sidii ay u hantiyi lahayeen shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,maddaama oo ay doorashada dalka ka dhacday ahayd wakhtigaa mid Gole Baarlamaan oo qudha.

Haseyeeshee Isbahaysigan Xisbiyadda Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay samaysteen hadda ayaa ah mid ka miisaan culus,isla markaana ka mug weyn, waxaanay hadda isku bahaysteen laba ujeeddo oo isku lamaan,kuwaas oo kale ah sidii ay u qabsan lahayeen shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland iyo Maayaradda Magaalooyinka waa weyn ee dalka,waxa la odhan karraa waa mid mihiim ah,isla markaana u dan u ah bulshada iyo labada Xisbiba.

Gunaanadkii Isbahaysigan ay shaaciyeen Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyey Bulshada iyo siyaasiyiinta reer Somaliland,waxa ay dhawrayaan inuu hirgeliyo isbahaysigaasi isbadelkii ay doorteen Bulshada reer Somaliland iyo in kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker