Dawlada Kenya oo ka War warsan Xooda La baxday NFDIP oo ah Koox Rabta inay Gobolka Somalida ka jaraan Dalka Kenya

Nairobi (OWN) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in go’aanka Kenya ay ku xidhtay Xuduudda Soomaaliya aysan la Xidhiidhin  sababo amni,

 

balse ay jirto cabsi laga qabo koox gooni u goosed ah oo kasoo ifbaxday gobolka Soomaalida ee NFD.

Wargeyska ayaa qoray in dhowaan saraakiisha sare ee dowladda Kenya ay ku kulmeen Nairobi, kana hadleen kooxda cusub oo la magac baxday xisbiga madax-bannaanida NFD ama Northern Frontier District Independence Party (NFDIP), oo dagaalyahaneeda ay isku magacaabeen “dagaal-yahnnada Xoriyadda”

Sida warbixintan lagu sheegay weli si rasmi ah looma yaqaan tirada dagaal-yahnnada kooxda, hase yeeshee waxaa cabsida laga qabo Kooxdaas ayaa dhalisay dareen,

Nairobi. Kulanka Nairobi oo ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga iyo siyaasadda dowladda Kenya ayaa looga hadlay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari oo ka qeyb-galay kulamada kooxdan iyo lacag la sheegay in kooxdan ay ka hesho  ka ganacsiga badeeco ka Yimaada  Soomaaliya.

Waxaa farta lagu goday qaar ka mid ah siyaasiyiintii looga adkaaday doorashadii 2017, oo kulamo ka dhan ah dowladda Kenya ka dhex billaabay bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, Soomaalida degan dhanka xuduudda Soomaaliya, iyo kuwa gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Si wax looga qabto siyaasiyiintan, dowladda Kenya ayaa qorsheeneysa inay eegto xisaaboodkooda banki, si loo ogaado haddii ay meelo kale kasoo gasho lacag.

Kooxda madaxbanaanida NFD oo weli aan tiradooda la ogeyn, ayaa dhowaanahan dhaqdhaqaaq ka billaabay baraha bulshada, ayaga oo dib usoo nooleeyey rabitaankii gobolka Waqooyi Bari ee ahaa inay ka go’aan Kenya.

Kooxdan ayaa Axaddii barta twitter soo dhigay farriin ay taageero ugu raadinayaan dhaqaaqooda ay ku doonayaan inay ka go’aan Kenya, islamarkaana aas-aasaan dal cusub.

“Waxaan nahay xisbi siyaasadeed bulsho oo soo jeedinaya madax-banaannida Jamhuuriyadda NFD, oo ka madax-banaan Kenya iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay kooxdan.

“Dhaq dhaaqan ayaa ka dhashay cadaadiska joogtada ah ee Kenya iyo Al-Shabaab ay ku hayaan dadka gobolka Waqooyi Bari. Al-Shabaab waxay weerarayaan ciidamada Kenya, ciidamada Kenyana waxay weerarayaan dadka aan waxba galabsan ee NFD. Ma sii socon karto tan” ayaa lagu yiri bayaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker