QAYBTA LABAAD: Doorka Sheekh Shariif iyo Nabadgelyo-darrada Soomaaliya

Qaybta Labaad:
 Qaybtii Koowaad  waxay inoo joogtay Maxaakiimtii oo dagaal ku qaadday xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf (AHN), iyo iyagoo dagaalkaasi lagu jebiyey Xamarna la isla soo galay. Dagaalkaasi waxa ku dhintay tiro dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo kumannaan kor u dhaafaya. Sheekh Shariif markuu arkay in kooxdiisii la soo jebiyey, muxuu sameeyey? Sida aad la socotaan dhallinyaradii Soomaaliyeed ee uu “jihaadka” ku abaabulay, iyo saaxiibadiisii hoggaanka Maxkamadaha ay isla ahaayeen meel cidla ah ayuu kaga dhaqaaqay. Sheekh Shariif waxa la sheegay in diyaarad khaasa ay hay’ado sirdoon shisheeye ahi ugu soo direen Halugo oo ku taalla xuduud-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya (NFD), halkaasna aakhirkii looga dhoofiyey Qatar. Sida la sheegana waxaa hageysey Jendayi Frazer oo ahayd ergeygii Maraykanka ee Geeska Afrika.
Dagaal diimeedkii maalintaa bilaabmay (2006) wuxuu beddelay xaaladdii amni iyo tii siyaasadeed ee Soomaaliya (dynamic shift). Sheekh Shariif waa nin meel shishe laga hagayaaye, waa tii Casmara fadhiisinka looga dhigay isagoo kooxo mucaarada ay isku biireen oo ku midoobeen ururkii loo bixiyey Dib-u-xoraynta. Mar labaad Sheekh Shariif kooxdii dib-u-xoraynta iyagoo aan ka war qabin ayuu baarashuud ka goostay (yacni cidla kaga dhaqaaqay) oo ku wacad furay oo Jabuuti ka degey. Markii hore hadduu “jihaadkii” dayacay oo dadkii uu dagaalka geliyey cidla kaga dgaqaaqay, markanna wuxuu dayacay “waddaniyiintii dib-u-xoraynta”. Intaa dabadeed waa tii Cabdullaahi Yuusuf kursiga looga kiciyey Jabuutina lagu caleemo saaray.
Haddaba waa markan marka isbeddelka ugu weyni dhacayo, waxa Xamar isugu soo noqday ” Mujahidiintii maxaakiimta” oo maalintii Shariif ka dhaqaaqay isbeddel sameeyey oo la baxay Al-Shabaab dagaalkiina Xamar gudaheeda ka sii wadey iyo waddaniyiintii dib-u-xoraynta oo Casmara Shariifku kaga tegey. Labadan qolo waxay ku midoobeen xooggagii la baxay muqaawumada. Xoogagani waxay ku xidhnaayeen xooggag caalamiya oo dano caalamiya leh. Maalintaa laga bilaabo waxa Soomaaliya soo galay dagaalyahanno shisheeye ah, oo adduunka dacalladiisa isaga kala yimid. Soomaaliyana waxay noqotay goob argagixisado isugu habar wacato, ku tababarato oo ku dagaal barato. Dadkii Soomaaliyeedna waxay noqdeen dad lagu tijaabiyo tabaha argagixisado wax u gumaaddo, dhiiggoodana waa la xalaalaystay.
Qarixii maalintaa bilaabmay iyo isqarxiskii aan meelna loo aaboyeelayn (masjid, hutel, xafiis, goob lagu shirayao, jaamacada, iskuul guri iwm) weli waa taagan yahay.  Madhixii Maxaakiimta ee Sheekh Shariif wuxuu noqday in Soomaaliya lugta la gasho dagaallo caalamiya oo ku salaysan dano caalamiya oo ka baxsan Soomaaliya.
Dhibka ugu weyn ee maanta Soomaaliya haysta ee boqollaalka dawladood, ciidamada ajaaniibta ah, sirdoonka caalamka ay ku dhex dabaalanayaan oo waddankeennii ka dhigay meel aan cidina lahayn waa madhixii Maxaakiimtii Sheekh Shariif u samaystay xukun raadiska. Waxyaalaha la yaabka leh ee Sheekh Shariif afkiisa ka sheegay (marka laga tago dhaqankiisa) waxa ka mid ah inuu yidhi markaan mucaaridka ahaa waan necbaa cidda nabadda iyo wadahadallada ku baaqda. Wuxuu sheegay inuu necbaa in dhegihiisu nabad iyo eadahadal maqlaan! Hadalkan wuxuu yidhi mar uu la hadlayey RW hore Nuur Cadde (AHN). Eeg lifaaqan hoose.
 Ninka sidaa u hadlaya ee colaadda iyo xumaanta jecel, ee aan dan ka lahayn dadka dhimanaya iyo hantida burburaysa rabana colaad inuu wax ku abaabulo, markii la dagaal galona cidlada kaga dhaqaaqaya. Ninka ururkii ay “mawqifka dib-u-xoraynta” ku midoobeen cidlada kaga dhaqaaqaya ee wacadka aan lahayn, ninka baddeenii Kenya muranka gelisay yidhi “waxba kama ogayn” ma in maxkamad la soo taaguu istaahilaa mise inuu weli xukun inaga dhex raadiyo.
Gebagebadii: Dhibka ugu weyn ee maanta Soomaaliya haystaa waa  midhihii uu Sheekh Shariif beeray. Soomaalidu intii hore ee ay damaca qabiilka iyo xukunka dhexdooda ah isku haysteen xalku dhexdeennuu yaalley, waxase talo faro ka haadday maalintii Sheekh Shariif inagu furay dagaalka caalamiga ah ee aan cid lagala xaajoodo iyo meel looga taliyo toonna la garanayn. Waxa ugu weyn ee ninkaas lagu xusuusan karaana waa dhibaatada cusub ee uu Soomaaliada usoo waariday oo qoorta inoo sudhay.
Hadday dadka Soomaaliyeed xisaabtamayaan Shariif waa:-
1) Ninka rajadoodii dawladnimo geed dheer ku laalay, wixii Soomaali dhex yaallayna farahooda ka saaray oo kooxo argagixiso caalamiya gacanta u geliyey
2) Ninka dhaqankii nabadgelyada ee diinta Islaamka colaad u rogay
3) Ninka sababtiisii qaraxa in carruureheennii isku kee  qarxiyaan inoo horseedday
4) Ninka sababtiisii baddeennu muranka ugu jirto
5) Ninka maanta raba inuu caasimaddii Soomaaliyi isugu soo noqonayey raba inuu kala didiyo, oo qori dab leh ku dhex tuuro.
Qaybtii Koowaad halkan hoose riix

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker