‘Markan yaraa aabahey wuxuu iigu labisi jiray sida wiilkii wuxuuna iwadi jiray garoomada ciyaaraha’

Waa Sheeko ka dhacday Kunduz, waqooyiga Afgaanistaan, Nilofar Ayubi oo 23 jir ah ayaa weli xasuusata dhacdo naxdin leh tan iyo yaraanteedii. Iyada oo 4 jir ah, ayaa waxaa soo weeraray nin u hanjabay iyada iyo qoyskeeda, taas oo keentay in aabaheed uu qaado tallaabo adag oo uu ku ilaalinayo.

Xilligii gabdaha aadka loo xadidi jiray ee xukunka Taliban laga soo bilaabo 1996 ilaa 2001, Nilofar aabbeheed wuxuu qaatay go’aan adag oo ah inuu timaha ka xiiro oo uu ugu labbiso sidii wiil si uu uga ilaaliyo waxyeello kale inay soo gaarto.

Talaabadan ayaa u ogolaatay Nilofar in ay caruurnimadeeda soo qaadato iyadoo ka madax banaan qaar ka mid ah xayiraadaha lagu soo rogay hablaha xiligaas oo ay xukunka hayeen Taalibaan.

In kasta oo ay jireen cadaadis bulsho, aabbaheed wuxuu ku dhiirigeliyay inay ku noolaato nolol madaxbannaan oo aan xaddidnayn.

Nilofar waxay si kal iyo laab ah u xasuusataa inay aabaheed u raaci jirtay tartamada ciyaaraha iyo ka qaybgalka hawlaha sida caadiga ah loogu talagalay wiilasha, taas oo ka duwaneyd walaalaheed gabdaha ah ee uu sharciga Talibaanka u diidayay inay sidaa sameeyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker