Isbahaysiga Mucaaradka JSL oo Shaaciyey 3 Xubnood oo Ay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada U Sharraxeen

Xisbiyada Isbahaysiga mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa si rasmi ah u shaaciyey Xildhibaannada ay ku heshiiyeen in ay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Isbahaysiga Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI , ayaa saddex cisho oo xidhiidh ah uu shirar uga socday magaalada Hargeysa.

Waxaanay isbaahaysiga mucaaradku ay dagaal adag ugu jiraan sidi ay ugu guulaysan lahaayeen jagooyinka gudoomiyaha Wakiilada iyo gudoomiye ku xigeenka.

Sidoo kale, xisbi xaakimka Kulmiye, ayaa dhankiisa wasiirkii hore arrimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon u sharaxay jagada shirgudoonka golaha Wakiillada.

Waxa ayna isbaahaysiga Mucaaradku Shir-guddoonka ay dhisayaan u doorteen sidan:-

1- Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo laga soo doortay gobolka SOOL kana soo baxay Xisbiga WADDANI.

2- Gud. Xigeenka koowaad Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka (SANAAG) Kana soo baxay Xisbiga UCID.

3- Gud. xigeenka Labaad Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka (AWDAL) kana soo baxay Xisbiga UCID.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker