Madaxweyne Farmaajo oo tallaabo u qaaday xallinta khilaafka doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay shir ay isugu imaanayaan isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada oo dhici doona isbuuca soo socda, si xal looga gaadho khilaafka siyaasadeed ee taagan isla markaana loo guda galo hannaanka doorashada.

Muddo xileedka madaxweyne Farmaajo – oo ahayd afar sano – ayaa dhammaatay maalintii Isniinta ee 8-dii Februay kaddib markii wadahadalladii arrimaha doorashada ay burbureen 5-tii bishan February.

Garabyada mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn dowladda Farmaajo, wixii ka dmabeeyay 8-dii bisha.

Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Xafiiska madaxweyne Farmaajo ee Villa Soomaaliya ayaa Twitterka ku shaaciyay shirka la fikayo inuu dhaco magaalada Garooqwe ee maamul goboleedka Puntland.

 

WarbixinReport this social embed, make a complaint
Qoraalka Twitter-ka ayaa lagu yiri: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu Isniinta, oo taariikhdu tahay 15-ka bisha February, 2021, martigalin doonaa shir heer federaakl iyo heer maamul goboleed ah oo lagu dhaqan galinayo heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii bishii September. Kulanka hoggaamiyeyaasha waxaa lagu qaban doonaa magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ee Soomaalia.”

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii ku boorriyay madaxda Soomaalida in “ay gaaraan heshiis is afgarad ah oo ku aaddan sida loo qabanayo doorashooyinka, waxaana laga dalbaday in ay tallaabadaas u qaadaan sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan”.

Waxa uu Goluhu soo dhaweeyay shirka lagu dhawaaqay in uu ka dhici doono Garoowe.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa isagana Isniintii jeediyay baaq kaas la mid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker