Madaxweyne Muuse Biixi Oo Amray In La Sii Daayo Suldaan Muddo U Xidhnaa Xukuumadda.

Hargaysa-(OWN)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka dalbadey xeer ilaalinta in la sii daayo Sul Maxamed Muuse Cune oo muddo dheer u xidhnaa xukuumada ka dib markii madaxweyne Muuse Biixi amray sii deynta ninkan .

Image result for suldaan cune

 

Wasiir Maxamed Kaahin oo qoraal uu ku socod siiyey xeer ilaalinta uu soo gaadhey Wargeyska Geeska Africa kuna taariikhaysan 1.9.2018 ayaa u dhignaa sidan

” Aniga oo tix galinaya amarka madaxweynaha JSL ee sii deynta eedeysane Maxamed Muuse Cune , hadaba Md Xeer Ilaaliye waxaan halkan kugu socodsiinayaa in aanu kanoqoney eedeynta dacweysanaha kor ku xusan .

Sidaas darteed waxaanu kaa codsaneynaa inaad sii deysaan eedeysanahaas ”

Source:- Geeska

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker