Diyaarad Milatari Oo Ku Burburtay Duleedka Adis Ababa+Askar iyo Dad Rayida Oo Ku Geeriyooday

18 qof ayaa dhintay, ka dib markii helikobtar uu milaterigu leeyahay ay ku burburtay duleedka caasimadda Itoobiya e Addis Ababa.

Maamuleyaasha ayaa sheegay in cidina aysan ka badbaadin shilkaas.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Emmanuel Igunza, saraakiisha ayaa sheegay in dayaaradaas milateriga ay ka soo duushay magaalada Diri-dhabe ee bariga Itoobiya oo ay kusii jeedday magaalada Addis Ababa markii ay ku dhacday Bariga Shoa ee gobolka Oromia

Diyaaradan ayaa sida wararku sheegeen Dhamaanba rakaabkii saarnaa ay dhinteen.

Warar deegaanka laga helayo waxay sheegayaan in 15 askari iyo seddex qof oo rayid ah ay saarnaayeen.

Sababta shilka dhalisay weli lama ogaan, laakin saraakiil sare ayaa sheegaya in baareyaasha iyo kooxaha baadigoobka iyo samata bixinta loo diray halkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker