Horumarka Boliska Somaliland

Sida laga warqabo ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland waxa uu udub dhexaad u ahaa una yahay Nabadgelyada iyo nidaamka dawladnimo ee ka hanaqaaday Jamhuuriyada Somaliland sodonkii sanadood ee la soo dhaafay, iyagoo heeggan u ah habeen iyo maalinba sugida nabadgelyada muwadiniinta iyo ilaalinta sharciga.

Inkasta oo kacaa-kuf badan iyo duruufo aad u qadhaadh ay soo mareen Ciidanka Booliska Somaliland, hadana waxay kaga soo gudboon adkaysi, samir iyo gunti-giijis ay ummadooda ugu soo adeegeen xaalad kasta oo lagu jiro.

Waxa Allah mahadiis ah in dedaal aad u badan oo muddo dheer qaatay ka dib aynu ku faani karno in Booliskeenu uu leeyahay Awood aad u balaadhan oo ku fidsan dhamaan gobolada, degmooyinka, tuulayaasha iyo xuduudaha Dalka iyaga oo leh khibrrad, aqoon iyo waayo aragnimo aad u sarraya oo ay ku gutaan waajibaadkooda uu Dastuurka Dalku u jideeyay.

Iyada oo Xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray dalkeena ay mid kastaa ku dedaashay horumarinta Booliska tayo ahaan iyo tiro ahaan iyo qalab ahaanba, hadana waxaa muuqata in Xukuumada imika talada haysaa ay dedaal aad u sarraysa ku bixisay dhismaha Booliska iyo kor u qaadida aqoonta qaybaha kala duwan ee ciidanka.

Shalay ayay ahayd markii 46 sarkaaal oo dhalinyaro ah oo heer jaamacadeed ah oo ka soo baxay kulliyadaha ciidanka loo kala diray laguna xoojiyay saldhigyada booliska ee goboloda Dalka oo dhan. Saraakiishaashaas oo ahaa Laba-xidiglayaal waxaa badankooda loo magacaabay taliyo ku xigeeno rugo boolis, waxaanay wax ka tari doonaan kor u qaadida nidaamka shaqo ee rugaha booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud oo aan maanta kulan kula yeeshay xarunta Taliska guud ee ciidanka ayaa ii sheegay inay ka go’an tahay inay isbedel muuqda ku sameeyaan ciidanka booliska, korna ay u qaadi doonaan tiro ahaan, tayo ahaan iyo qalab ahaanba.

Mar aan Taliyaha Booliska wax ka waydiiyay cabashada ka soo yeedha muwaadiniinta qaarkood ee ku saabsan hab-dhaqanka askarta qaarkood, waxa uu taliyuhu ii sheegay in ciidanku u tabobaran yahay habka ay ula dhaqmayaan dadweynaha, booliskuna uu yahay saaxiibka dadweynaha, hase yeeshee askariga ku gefa shacbiga ay si adag ula xisaabtamaan oo ay sharciga mariyaan.

Waxa uu Taliyuhu shacbiga ugu baaqay in qofkii ka cabanaya Booliska uu cabashadiisa usoo gudbiyo madaxda sare iyo rugaha booliska ee kala duwan, kuwaas oo baadhis ku samayn doona cabasho kasta oo ay muwaadiniintu soo gaadhsiiyaan, waxaanuu sheegay inay haboon tahay in cabashada si toos ah loo soo gaadhsiiyo iyaga, lagana waantoobo warbaahinta lagu cararyo ee Booliska lagu aflagaadaynayo.

Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed
Hargeisa. Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker