Madaxweynaha Afghanistan Oo ka Badbaaday Qarax Isnidaamin ah Oo Lala Beegsaday.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ka badbaaday qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday isu soo bax olole doorasho ah, oo uu kaga qayb-galayay gobolka Parwan oo hal saac u jira waqooyiga Kabul.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyootay in ka badan-na way ku dhaawacmeen kadib markii uu qof watay mooto isku qarxiyey isu soo baxa ololaha doorashada oo ka socday gobolka Parwan,

waxana uu qaraxu ka dhacay barkantarool oo lagu baarayay dadka galaya goobta uu madaxweyne Ghani kula hadlayey daweynaha, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Nasrat Rahimi.

 

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa waxayna ka digtay rabshado dhacaya, ka hor doorashooyinka dalkaas.

 

Sidoo kale qarax labaad ayaa saacad kadib waxa uu ruxay bartamaha magaalada Kabul, meel u dhow safaaradda Mareykanka, inkastoo aan weli la caddeyn khasaaraha ka dhashay.

Agaasimaha isbitalka Parwan, Abdul Qasim Sangin ayaa AFP u sheegay in haween iyo caruur ay ka mid yihiin 24-ka qof ee dhintay, halka 32 qof oo kale ay dhaawac yihiin.

 

 

Sikastasbata ha ahaatee qaraxyadan ayaa ku soo beegmaya xili uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si deg deg ah u joojiyey wada-hadallo lala lahaa Taliban, oo lagu raadinayey heshiis ay ciidamada Mareykanka uga baxaan Afghanistan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker