Dhibaatooyinka Soomaalida Ka Haysata Xaalada Caafimaad Ee Ay U Tagaan Turkiga iyo Dilaalnimada Ku Lamaan

Kumanaan Qof oo Soomaali ah, ayaa inta badan Ku dhibaatooda Kadib Marka ay Xaalad Caafimaad u tagaan Dalkaasi Turkiga, iyadoo Qiimaha lacagta looga qaato In Lagu Daaweynayaa ay Marba Marka Ka Dambeysa tahey mid Kumanaan Dollar, Madaxa la gasha.
Inkastoo, ay isku daydaan Dadka Soomaalidu had iyo jeer Dadka ladan ee awoodi karaya dhaqaalaha Safarka iyo Kan Xaalada Caafimaad ee Cusbitaalada Turkiga ay Ku tagaan Waxaanu Kamid yahey , meelaha ay Sanadihii u Dambeeyay, si aan kala joogsi laheyn Soomaalidu u tagto Xaalada Caafimaad Waxaa inta badan Ku dhexjira dilaalnimo naxariis La,aan ah oo ay Ku lug leeyihiin Dad Soomaali ah oo iyaggu heshiis lagala Dhakhaatiirta ajaanibka ah ee Dalkaasi Turkiga iyo Cusbitaalada gaarka ah.
Cumar Xasan Waceys, oo dhawaan u tahey Dalka Turkiga Xaalad Caafimaad, ayaa Mar kaliya go,aan Ka qaatey Kadib Markii Dhakhaatiirta Turkigu u Sheegeen in ay Ka qaadi doonaan lacag dhan 10.000$ oo lacagta Dollarka Mareykanka ah islamarkaana, ay qaliin Ku sameyn doonaan, jug kasoo gaadhey Shil Gaadhi, oo Laf qoorta ahi isdhaaftey Laakiin Wuu ka diiday Waxaanu go,aansadey in uu Ku Noqdo Cusbitaalada Adissababa halkaas oo Lagu Daaweeyay iyadoo ay kaga baxday lacag Ka yar 200$ oo Dollar Islamarkaana, aan habayaraatee Wax Qaliin ah lagu sameynin balse Si Cilmiyan ah Loo Daaweeyay.
So,aasha Muhiimka ahi Waxey tahey Waa Maxay Sababta at Dadka soomaalidu u jeclaadeen Cusbitaalada Turkiga ee lacagta Farah badani kaga baxayso?

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker