Xabsiga ay dadka iskooda u tagaan

Xabsi ku yaalla gobolka Uttarakhand ee dalka Hindiya ayaa laga billaabay arrin aan horay loo aqoonin si looga hortago dhibaatooyinka bulshada qaarkood.

Maamulka xabsigan, oo ka shaqeeya magaalada Haldwani ayaa hirgeliyay barnaamij uu xabsiga leeyahay oo dadka caadiga ah u fasaxaya in lagu xiro halkaas, iyagoo aysan maxkamad soo xukumin.

Qof walba oo codsada in lagu xiro xabsigan ayaa halkii habeenba laga qaadayaa lacag dhan Rs.500 oo u dhiganta wax ka badan 8 doolar iyo bar.

Saraakiisha gacanta ku haya xabsigan dhaqanka layaabka leh la yimid ayaa sheegay in arrintan ay dadka ka badbaadineyso iney maraan ciqaab weyn oo ay ku muteystaan dambiyada qaar.

Dad badan oo ku nool Hindiya ayaa xabsigaas u taga si ay uga hortagaan wax yaabo ay aaminsan yihiin in ay ku dhici doonaan mustaqbalka, kuwaasoo ay u sheegeen dadka wax faaliya oo ay kala tashadeen mustaqbalkooda.

Faalka oo ah dhaqan ka jira Hindiya ayaa dadka qaar loogu sheegaa in ay noloshooda waqti ka mid ah xabsi ku qaadan doonaan, sidaas awgeedna ay u habboon tahay inay waqti cayiman si iskood ah xabsiga u galaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker