“Ruushka wuxuu go’aansaday in uu weeraro Ukraine” Madaxweynaha Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu go’aansaday in uu weerar ku qaado dalka Ukraine.

Wuxuu intaa ku daray in weerarka uu dhici karo maalmaha nagu soo aadan.

Biden wuxuu sheegay in qiimeynta lagu saleeyay sirdoonka Mareykanka oo soo jeediyay in magaalada caasimadda ah ee Kiev uu Ruushka beegsanayo.

Ruushka ayaa marar badan beeniyay in uu damacsanyahay in uu weeraro dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.

Waddamada Reer Galbeedka ayaa ka cabsi qabaa in Ruushka uu isku dayo in uu qalalaaso been abuur ah uu ka huriyo gobollada dhaca bariga Ukraine si uu marmarsiinyo uga dhigto duullaanka.

Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in 169,000-190,000 oo Ruush ah inay ku sugan yihiin gudaha iyo agagaarka Ukraine, tiradaas oo ay ku jiraan dagaalyahannada uu Ruushku taageero ee ka howlgala jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taageeda ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.

Khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad, madaxweyne Biden wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu haysto “sabab uu ku aamino” in ciidamada Ruushka “ay damacsan yihiin isla markaana ay doonayaan inay weeraraan Ukraine toddobaadka soo socda ama maalmaha nagu soo aadan”.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker