Hargeysa: ”Qabri Baan Ka Soo Baxay , Meel aan u Dhaqaaqo Ma Garanayo ” Qiso Xanuun Badan

Waxaa shalay xasbi ku yaal magaalada Hargeysa laga sii daayay nin u dhashay qowmiyadda Oromada ee waddanka Itoobiya, ka ddib 20 sano oo xabsiga uu ku jiray.

“Markii la i xidhayay waxaan jiray 21 sano, markaas baa iigu dambeysay magaalada”,

Sannadkii 2001-dii, maxkamad ku taal Hargeysa waxa ay ku heshay inuu dilay nin kale oo Itoobiyaan ah, markaas oo ay maxkamaddu ku xukuntay 8 sanadood oo xarig ah iyo inuu bixiyo magta ninka gacantiisa ku baxay.

Balse Maxamed ayaanay u suuragelin inuu helo lacagtii uu diyada isaga bixin lahaa, sidaas daraadeedna waxa uu xabsiga ku sii jiray 12 sano oo dheeraad ah.

Sannadkii 2019-kii ayey Maxamed Gantisa xabsiga isku barteen Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo isagana halkaa ku xidhnaa.

Wuxuu ka codsaday in kharashka diyada usoo uruuriyo. Coldoon ayaa arrintaas u istaagay, taa oo fududeysay in shalay si ramsi ah loo sii daayo ninka Oromada ah.

Waxaa laga bixiyay qeyb ka mid ah diyadii loo haystay oo gaareysa illaa $700 oo dollar.

“Qofkasta waan kaa bixinayaa ayuu ku odhanayaa (diyada) mana jirin qof iga bixiyay”, ayuu sheegay.

Maxamed Gantisa, wuxuu tilmaamay in reerkiisa aysan ka warhayn in uu xiran yahay. “Waxay u haystaan in aan dhintay. Beri hore ayaa la i illaaway. Hadda wax xiriir ah lama lihi”, ayuu yidhi.

“Farxad ayaan dareemay markii la ii sheegay in la is siideynayo. Labadii bilood ee aan sugayay in la i sii daayo, hurdaba waan iska daayay farxad daraateed”.

Maxamed Gantisa ayaa la sii daayay ka dib markii kala bar diyadii laga bixiyay, barka kalena laga cafiyay. Waxaa ka cafiyay niman qaraabo la ah ninkii uu Maxamed Gantisa dilay ee xabsiga uu ku muteystay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker