Mareykanka oo daabacaya warbixin ku saabsan dilkii Jamal Khashoggi

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu qorshaynayo inuu “goor dhaw” la hadlo Boqor Salmaanka Sucuudi Carabiya.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli maamulka Mareykanka uu isu diyaarinayo inuu daacabo warbixin ku saabsan dilkii weriyihii u dhashay waddanka Sucuudiga, Jamal Khashoggi .

Mr Khaashuqji ayaa 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhexdilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Warbixinta ayaa si wayn loo sugayaa in dilka ninkaasi ay ku xidhiidhiso hogaamiyaha ruuxiga ah ee Sucuudi Carabiya, Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker