Israel oo si adag uga hadashay amarka ka soo baxay Dacwad Oogaha Maxkamadda ICC

Masuuliyiinta Maamulka Israel ayaa si adag uga falceliyay amarka maanta ka soo baxay Dacwad Oogaha Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC), Karim Khan ee ku aaddanaa in la soo xiro Raysal Wasaaraha Israel iyo Wasiirkiisa Difaaca.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa tallaabadan ku tilmaamay fadeexad ka dhan ah Israel iyo weerar kale oo loo gaystay Israeliyiinta, ka dib weerarkii Xamaas ay October 7-deedii ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Wasiirka ayaa sheegay in Israel ay xaq u leedahay inay xoog ku soo furato la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in aanay jirin wax awood ah oo maanta adduunka ka jira, oo sida uu sheegay Israel ka hor istaagi doona inay guryahooda dib ugu soo celiso dadkii looga qafaashay weerarkii 7-dii October iyo inay burburiso Ururka Xamaas.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in Wasiir Katz uu furay qol gaar ah, oo looga hortaggo in Maxkamadda ICC ay soo xirto Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca, Yoav Gallant.

Wasiirada Amniga Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich, oo ah labada nin ee ugu xagjirsan ee ku jira Xubnaha Golaha Wasiirada Israel ayaa si adag u dhalleeceeyay Maxkamadda ICC.

Wasiirka Amniga ayaa ku baaqay inaanan waxba laga soo qaadin go’aanka ICC, isla-markaana la kordhiyo weerarada ba’an ee ka dhanka ah Marinka Gaza, illaa gebi ahaanba la burburiyo.

Wasiirka mayalka adag ayaa sheegay in Israel ay u baahan tahay inaysan joojin weerarada ay ku wiiqeyso sida uu sheegay Xamaas.

Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda Israel ayaa isna sheegay in go’aankan uu noqon doono midkii ugu dambeeyay ee ay ku burburi lahayd Maxkamadda ICC.

“Waaranada lagu soo xirayo Netanyahu iyo Gallant waa amar lagu xiraayo dhammaanteen.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “Go’aankan wuxuu noqon doonnaa midkii ugu dambeeyay ay ciriiri ku geli lahayd, kuna burburi lahayd maxkamaddan siyaasadeed ee naceybka ku dhisan.”

Wasiirka midigta fog ayaa yiri “Go’aankan waa mid muujinayo munaafaqnimo iyo naceyb ka dhan ah dadka Yahuudda.”

Benny Gantz oo ka mid ah Golaha Wasiirada Israel ee dagaalka ayaa ku qeexay dembi taariikhi ah amarka xiritaanka ee Raysal Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga Israel.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa dhankiisa go’aankan ku tilmaamay fashil siyaasadeed oo xun.

Netanyahu iyo Gallant ayaa lagu eedeeyay dabar-goynta dadka rayidka ah, sababo ku aaddan dilka iyo gaajeysiinta lagu hayo shacabka aan waxba galabsan. Labada nin ayaa lagu eedeeyay inay hortaagan yihiin gargaarka bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo Falastiiniyiinta iyo inay si ula kac ah u beegsanayaan rayidka.

Dacwad Oogaha ICC ayaa sheegay inay caddeymo ku filan u hayaan in gaajo hub ahaan loogu adeegsaday dadka rayidka ah.

Karim Khan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda ICC ayaa sidoo kale dalbaday in la soo xiro Hoggaamiyaha Siyaasadda Xamaas, Ismail Haniyeh, Gudoomiyaha Marinka Gaza, Yahya Sinwar iyo Taliyaha Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam, Mohammed Deif, kuwaa oo ku eedeysan inay galeen dembiyo dagaal, intii uu socday weerarkii October 7-deedii.

Guddi khubaro ah oo ku xeeldheer shuruucda caalamiga ah ayaa qiimeyn ku sameeyay caddeymaha uu helay Xafiiska Ilaaliyaha Guud ee ICC, ka hor inta aanu go’aankan ku dhawaaqin Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda.

Amal Clooney oo haysata dhalashada Ingiriiska ayaa ka mid ahayd guddiga dib-u-eegista ku sameeyay caddeymaha, waxayna taageertay go’aanka taariikhiga ah ee Dacwad Oogaha.

Israel xubin kama ahan Maxkamadda ICC, mana aqoonsana awooddeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker