Musharraxiinta Mucaaradka Soomaaliya Oo Jimcaha Ku Dhawaaqay Mudaharaad kale

Golaha Musharraxiinta Mucaaradka, oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iclaamiyay mudaharaad kale oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cadullaahi Farmaajo.

Dibadbaxan ayey sheegeen in ay maalinta Jimcada, 26, Februaty, 2021, ku qaban doonaan Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Jimcadii lasoo dhaafay, 19,February, 2021, ayuu Daljirka Dahsoon ka qabsoomi waayay bannaanbaxii ay Musharraxiinta Mucaaradka qorsheeyeen, hase yeeshee waxaa meelo kale oo isla magaalada ah la dhacay mudaharaad ravshado dhaliyay.

Qaar ka mid ah musharraxiinta ayaa la arkayay iyagoo hor kacaya dibadbaxayaal, iyagoo markaas kaddibna rasaas lagu kala eryay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker