Wasiir Saleebaan Cali Koore: Reer Sallaxley Waa Macaamiishii, Ma Kala Xishoonnaa? W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

Dhallinyaro aanu deris ama isku xaafad nahay ayaa beri la qabsaday nin barbaarta ka mid ah oo runtu ku yarayd. Waa ay ka rasayn jireen, isaguna waa uu joojin waayay. Markii dambe kolka ay arkaan ama uu hadalka bilaabo ayay odhan jireen “Annagu macaamiishii baanu nahay, kuwaas kale u sheeg”. Weedhihii lagaga dareen-celin jiray warka aan sugayn waxa ka mid ahaa “yaad u waddaa?” inta la sii jeesto ayaa la dhaqaaqi jiray.

Wasiir Saleebaan Cali Koore waxa aad sheegtay in ay reer Taleex iyo reer Sallaxley meelo iska shabbahaan, isla markaana uu reer Sool wakiil uga ahaa Ingiriiska Caaqil Jaambiir Kaahin, waa run oo dhaqanka, duubka, hal-abuurka iyo meelo kaleba waa la isaga eg yahay. Imaka idinka yaa wakiil nooga ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waayo halka wasiir ee golaha noogu jira waxa keenay ama soo xulay Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Mar kale laba mashruuc oo la keenay deegaanka Sallaxley 2018 iyo 2019 labadaba adiga ayaa hormood ka ahaa. Midkood waxa uu ahaa Biyo-xidheen laga dhisayay Kalagooye oo aad sheegtay in uu idinku amray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. 5tii Mey 2018ka ayay ahayd.

Waxa laga joogaa sannad iyo dheeraad. Mar haddii ay hawshaasi biyo ahayd, adiga ayaa imaka iyo markaasba ahaa Wasiirka Biyaha oo guul iyo guul-darraba madaxa ku qaadaya.

Walaw aad sheegtay in uu dhagax-dhigi doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, far dambe lama dhaqaajin. Muuqaallo (sawirro) fiican baad ku gasheen, hadallo fiicanna waad jeediseen, dabadeedna laba Cali dib isuma weydiin. Sidii buu dhagaxi meeshii u yaallaa!

Sannad, bil iyo afar cisho kaddib oo shalay ah, 8dii Juun 2019ka, ayaad mar kale dhagax-dhigteen biyo-xidheen isla degmada Sallaxley ah. Sidii aad caanka ku ahaydeen ayaad barwaaqo, badhaadhe, bal, beero iyo balaayiin lacag ah oo ku baxaya sheegteen. Ma garan karo waxa uu ballan-qaadkani kaga duwan yahay kii hore. Kollayba dad harraaddani biyo ayay ugu jecel yihiin, labada jeerba way idin dhegaysteen. Qaar idin horboodaya ayaan arkayay. Horta kii hore halkee ayuu ku dambeeyay?

Maasno ayaa ahayd
“Ma taqaannid beentee
Runta barashadeedaa
Belo kaa hor joogtaa”

Anigu biyaha la sheego ee dawladi gacanta ku hayso, imaka waan dhibsadaa axdigooda. Saw ma aad caddayn in uu fashilmay mashruucii biyo-ballaadhinta Hargeysa ee ay malaayiintu ku baxeen? Annaga oo deggan faras-magaalaha Hargeysa booyad ayaa noo dhaamisa. 500 tallaabo ayaanu u jirnaa Tiyaatarka Hargeysa, xarunta Dawladda Hoosena 800 mitir baanu xagga Bari ka xignaa.

Waxa aan ku kalsoonahay booyadaha, Ilaahay ha barakeeyo booyadaha. Marka ay dhakhsanayaan waa Mujaahidiin badbaadinaya nafo oon u dhiman lahaa oo ku nool caasimadda Hargeysa. Haddii ay wadeyaasha booyaduhu ku dhintaan shil, iigama duwana shahiid dar Alle u xijaabtay. Magaalada oo dhamina waa ka siman tahay taas, malaha 20% ayaa cabba biyaha wakaaladda Hargeysa.

Waa se la is tuhmaa, waxaana la yidhi “Caano Jiilaal canba can dareen”. Galbeed iyo Koonfurina waa tabtaas, aniga oo Bariga ahina ka darni. Woqooyigana dhul aan biyo-gelin lahayn baa ah.

Wasiir, berigaas aanu Ingiriiska idiinka wakiilka ahayn, ma filayo in aanu been iyo lug-gooyo idiinka soo qaadi jirnay. Waayo ma aan arkin idinka oo ka cabanaya Chief Caaqil Jaambiir Kaahin oo xidhiidhka laf-dhabar u ahaa. Waan ka xumahay in iyada oo hadimo hore jirtay aad hees-walwaaleed kale noo qaaddo.

Fadlan iska hubi mashruuca aad deegaankaas geynayso. Mar haddii aanu fulin kii hore, waxa ballan ah in aan wanjal labaadna raacin. Waxa loo baahan yahay samafaleyaal basriya dhagaxa shalay baradaas la dhigay, in lagu kufo mooyaane, kaalin kale ma buuxinayo.

Dhagaxaas aad dhigteen gacanta ayaa loola tegi doonaa. Ummadaasna wuxuu Ilaahay u barakayn doonaa balliyada, baraagaha, waraha, dhijaamaha iyo bacaha biyaha kaydiya. Haddii aanu adhigu ka ilbixin shugux shugux, eegga looma sacab tumi sabaaladii carruurta

Isla maansadaa ayaa lagu yidhi
“Mana tihid bakhaylkii
Biyo quudhi waayee
Waxaad bixin lahayd baad
Adiguba u baahnayd”

Ugu dambayntii waxa aan Wasiir Saleebaan Cali Koorow ku leeyahay “Annagu macaamiishii ayaanu nahay. Yaad u waddaa?”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker