Sucuudiga oo Ka Warwarsan Khatarta Ciidan ee Iiraan

Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa maanta ku booriyey Hoggaamiyayaasha caalamka inay mowqif adag ka qaataan sidii ay wax uga qaban lahaayeen “dadaallada ay Iran ku horumarineyso hub Nukliyeer ah” iyo gantaallada ballistic-ga ah.

 

 

Boqorl Salman ayaa hadalkan jeediyeey isaga oo la hadlayey Golaha sare ee Shuurada Sacuudiga oo xalay muddo xileed cusub loo dhaariyey.

 

 

“Boqortooyada waxay carabka ku adkeyneysa halista mashruuca Iiraan ee gobolka, faro-gelinta ay ku hayso dalalka kale,

 

Gabbaad siinta argagixisada, iyo hurinta xiisadaha diimeed, taasi oo qeyb ka ah dadaal ay ku heleyso hubka sida weyn wax u burburiya,” ayuu yidhi Boqor Salman.

 

 

Hadalladan ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey ee boqor Salman uu jeediyo tan iyo khudbaddii uu bishii September qaab online ah ugu jeediyey shirka golaha guud ee QM.

 

 

Sacuudiga oo Sunni ah iyo Iran oo Shiico ah ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan socday tobaneeyo sano oo ku aaddan saameynta gobolka, ayaga oo kala taageeraya dhinacyada isku haya dalal ay ka mid yihiin Syria iyo Iran.

 

 

Xiisadda ayaa sare u kacday tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka Iran, kadibna uu sii adkeeyey cunaqabteynta dhaqaale ee saaran ee Tehran

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker