Joe Biden Oo Saxeexay Wareegtooyin Qaarkood Saameynaya Soomaalida

Joe Biden oo shalay uun  loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha 46 aad ee Mareyakanka ayaa saacado un kadib dhaartiisa saxiixay wareegtooyin madaxaweyne oo uu ku laalay wareegtooyin hore uu u dhaqangaliyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump.

Wareegtooyinka uu saxiixay madaxweynaha cusub waxaa kamid inuu hakiyay xayiraaddii safar ee Trump uu kusoo rogay toddoba waddan oo ka mid ah dalalka Muslimiinta oo Soomaaliya ay ku jirto inay dadkooda ay u socdaalaan Mareykanka.

Xayiradaas socdaalka ayaa saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku hami weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diiday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale joojiyay darbigii Trump uu ka dhisayaay xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico.

Mid ka mid ah wareegtooyinka ayaa Biden waxa uu Mareykanka dib ugu celiyay heshiiskii cimilada ee Paris.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker