Masuuliyiinta Gobolka Daad-madheedh Oo Deegaankaas Ka Wacyigeliyey ka ganacsada gubista dhirta.

Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale ayaa hawlgal lagula dagaalamayo Dhuxusha ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Waxaana guddoomiyaha ku wehelinayey taliyaha qaybta ee ciidanka booliska ee gobolkaas, isuduwaha wasaaradda deegaanka gobolka Daad-madheedh iyo xubno kale.Waxayna mas’uuliyiintaasi hawlgalka ka fuliyeen deegaanno ay ka mid yihiin Cabdi-dheere, Qolqol iyo Balli-cigaal, iyaga oo kulamo la yeeshay waxgaradka iyo bulshada deegaannadaasi isla markaana warbixino ka dhageystay maamulka deegaanadaasi.

Iyada oo ay maamulka iyo odayaasha deegaannadaasina ay ballan qaadeen in ay maamulka gobolka ku gacansiinayaan sidii wax looga qaban lahaa dadka iyagu ka ganacsada gubista dhirta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker