Maxamuud Raage Oo Ka Falaagoobey Siyaasadii Wasiiradiisa

Inkasta oo ay haboonaan lahayd in dhaqanka qabiliga ahi aanu noqon halbeeg lagu cutiyo dhismaha dawladnimadeena, hadana waa xaqiiqo jirta in saldhiga siyaasadeenu tahay qabiil “clan politics”. Madaxweynaha waxa lagu doortaa nidaam qabiil, isna wuxuu dadkiisa wax ugu qaybiyaa nidaam qabiil waa nooca dawladnimada ka jirta shankaroon land-ta aynu la nool nahay.

Haddaba, siyaasiyiinta ama wasiirada reeruhu waxay matalayaal rasmi ah xukuumada ama waaxda fulinta dalka ugu yihiin oo ay wakiilo ka yihiin deegaanadii ay ka yimaadeen. Haddaba ninka fahmi kari waayey hab siyaasadeedka Somaliland u dhisantahay ee la shaqayn kari la siyaasiyiintii deegaankiisu waa maareeyaha Maxamuud Raage.
Siyaasadu waa dano iyo masaalix is barkan maanta ina raagoow waxa mustaqbalkaagu ku jiraa in aad daba gasho raga madaxweynuhu u xushay hotaaminta siyaasada deegaanka aynu ka nimid ogobeey seef laboodnimada iyo mucaaridada raqiiska ah ee gudaha reerku waxba kuuma tarayso.
Waxa la yidhaahdaa hogaamintu waa qofka oo aqbala xaqiiqda hortaala, midna ku bushaarayso dawlada maanta jirtaa waxa haysta nin si fiican kuu yaqaana markaa waxa aan ku dhihi lahaa cidla ha ku habsaamin hadii kale midhaa guuxaagii ayaad rabtaa in aad ka dheeraysee ka dheeree halkay kula gaadho aan dhawrnee. “dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbe ayey leedahay”

Adan Muse Salah
Political Analyst
Hargeisa Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker