Culimada Ugu Waawayn Somalida oo Dawladda Federaalka ah U Baaqay inay Xidhiidhka u Jarto Faransiiska

Muqdisho (OWN) – Qaar ka mid ah Wadamada Caalamka waxaa ka socda Banaanbaxyo waa weyn oo Lagaga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha dalka Faransiiska,

 

Kaas oo ahaa in ay Xorriyad tahay in qof kasta wuxuu raba ku hadlo ama Qoro, islamarkaana la sii wadi doono sawirada lagu Aflagaadaynayo  Nebi Muxumad NNKH.

 

 

Wadamo badan oo Muslimiin ah ayaa joojiyay iibsiga Badeecadaha Laga keeno dalka Faransiiska,

 

Halka qaar ka mid ah Madaxda Caalamka ee Muslimiinta ay Cambaareeyeen hadalka Madaxweynaha Faransiiska,

 

Iyagoo ka digay dhibaato ka dhalan karta waxyaabaha ka socdo Faransiiska.

 

 

Wali dowladda Soomaaliya kamay hadlin Arintan, Dunida Muslimka Gil-gishay waxayna Soomaaliya kamid noqoneysaa Wadamo badan oo muslmiin ah oo aan arintan ka hadlin.

 

 

Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomoow, oo ka tirsan Culimada Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay jarto xidhiidha kala dhaxeeyo Faransiiska.

 

Waxaana Hadaladiisii ka mid ahaa.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxda dalka in ay qaataan go’aan lagu jarayo xidhiidhka Dawladda.Somalia la leedahay Faransiiska .

 

Maadaama uu Wali Wado Gafafka ka dhanka ah  Nabigeenii Suubanaa NNKA.

 ayuu yidhi Sheekh Cabduqaadir Soomoow oo ka tirsan Culimada Soomaaliyeed.

 

 

Lama oga Go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto dowladda Faransiiska oo Madaxweynaha wadankaas uu KunAdkaystay Inuu Sii wadayo Gafafkiisa .

 

Dowladda Soomaaliya ayaa bilo ka hor dowladda Faransiiska kaga Tacsiyeeysay askar Kaga geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Mali,

 

Waxaana arrintaas oo aad uga falceliyay Shacabka Soomaaliyeed , Waxaanay Shacabku La Yaaban yihiin Aamusnaanta Madaxda Somalida ee Arintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker