Gantaalada Xisbullah ayaa sababay dabka keymaha Israel

Gantaalada Xisbullah ayaa sababay dab maalmo ka holcayay waqooyiga Israel kaas oo burburiyay dhul balaaan oo keymo ahaa iyadoo 11 qof isbitaalka loo dhigay qiiqa ay ku caburmeen.

Dhulka gubanaya waxaad ka soo arkeysaa meel hal saac iyo bar u jirta xadka Lubnaan. Qiiq madow ayaa labada dhinac ee wadada ka baxaya.

Dadka deegaanka ee waqooyiga Israel waxay dhowr toddobaad isku dayayeen in ay damiyeen dabka ku firdhisan meelo kala duwan. Kuleylka daran ee jira ayaa sii fududeeyay in dabka sii fido.

Shaqaalaha dabka damiya ayaa isniintii 20 saacadood isku dayay in ay damiyaan dabka meelaha u dhow magaalada Kiryat Shmona.

Sida ay sheegeen maamulka keymaha dabka oo gubay 14 kiilomitir in ka badan, waxay soo dedejisay baahida Israel ay u qabto in ay soo afjarto coladda Xisbullah ee waqooyiga.

Israel iyo Xisbullah waxay is dhaafsanayeen gantaalo maalinkasta ilaa bishii Oktoobar sanadkii hore. Dadweynaha deegaanka kibbutz waxay sheegeen in weerarada gantaalada Xisbullah lala xiriirinayo dagaalka Gaza. Ilaa markii uu bilowday dagaalka Rafax maalinkasta waxay dul mara 3 ilaa iyo 4 gantaal.

Taliyaha ciidamada Israel, Herzl Halevi, waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in weerar ay qaadaan.

Ku xigeenka madaxa Xisbullah, Sheikh Naim Qassem, waxa uu Aljazeera u sheegay in aysan dooneyn in dagaalka Israel uu baaho balse hadii ay dagaalka sii fidiyaan Israel in ay burbur kaga jawaabayaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker