Narendra Modi oo si dirqi ah ku bedbaadey

Xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Narendra Modi ayaa ku guuleystey doorshooyinkii guud ee todobaadkii la dhaafay ka dhacay dalka Hindiya.

Xisbiga BJP oo laga soo billaabo 2014 caynaanka u hayey dalkaas, islamarkaana aan laga daba hadli jirin ayaa kalkaan waxaa soo gaarey dharbaaxo siyaasadeed oo lama filaanku noqotay qaar badan oo ka tirsan dadka siyaasadda odorosa.

Natiijada ka soo baxday doorashadii ugu dambeysey waxay si gaar ah u taabatay Ra’isul Wasare Narendra Modi oo looga bartay in uu meel cidlo ah ka qaato cododka taageereyaal jidbeysan, ka dib markii uu ku abuuray qiiro diimeed, balse u muuqda in ay baraarugeen.

Haddaba su’aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah waxa keenay guuldarrada lama filaanka ah eek u timid xisbiga BJP.

Xeeldheereyaasha siyaasadda Hindiya ka faallooda waxay la tahay in jawaab qura aysan ku filleyn jawaabtaas, waxaase loo badinayaa arrimahan hoos ku xusan:

1.Dadka oo ka xiiso dhigay siyaasaddiisi qiiro diimeedka ku saleysneyd, islamarkaana doonaya isbeddel dhab ah oo noloshooda taabta.

2.Xisbiga Congress oo ah kii Hindiya xornimada u horseeday oo ka soo toosay hurdo dheer oo uu ku jirey tan iyo markii uu Modi masraxa siyaasadda koo fuulay.

3. Muslimiinta Hindiya oo dhibaato weyn kala kulmay siyaasadaha diin nacaybka ku saleysan ee Modi codkooda mideeyey si ay garab u siiyaan xisbiyada mucaaradka.

Wallow Xisbiga BJP uu lumiyey aqlabiyadddii uu ku lahaa baarlamaanka dalkaas, taas oo ka dhigan in uu u baahan yahay xisbiyo kale oo dowlad wadaag ah la dhisa, haddana waxaan ka shaki ku jirin in Ra’isul Wasaare Modi uu muddo xileedkii Saddexaad oo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker