Taliye Maxamed Cismaan Caalin summada guusha iyo horumarka Ciidanka Socdaalka

Asc dhamaan ummada reer somaliland ee ku kala nool waxaan u mahad celinayaa bahda burco online sida ay ummada somaliyeed ugu gudbiyaa xogta iyo aragtiyaha qurxoon.

Hogaamiyaha dhabta ahi waa qof ay ka go’an tahay inuu si  daacadnimo ah guul u gaadhsiiyo   ummadda uu arkay inay baahi wayn u qabto in dhexda loo xidho sidoo loo dhaqaajin ahaa baahideeda loona gaadhsiin lahaa badhaadhe loo wadda riyaaqo loona waddo mabsuudo.

Hogaamiyayaash dhabta ahi waxay abuuran isbadal weyn oo wadda  saameeya bulshadda.

Taliyaha Ciidnka socdaalka Somaliland Immigration-
Sareeyo Guuto. Maxamed Cismaan Caalin (DAYIB) Hogaamiye dhab ah intii u joogay ciidanka socdaalka waxa u gaadhsiyay horumar la taban karo waana markii koobad ee taarikhda somaliand  gaar ahaan ciidanka socdaalka loo tababaro hablo ilaahay ka sakow  waxaa surto galiyay  Sareeyo Guuto. Maxamed Cismaan Caalin (DAYIB)  oo aanay laantiis iyo dadaalkiisa surto gasheen.

Hogaamiyaha Wanaagsani waxaa uu ka mid yahay nimcooyinka
Ilaahay ku manayso ummadihiisa kala duwan ee ku nool daafaha dunida. Umadda inta ay leedahay hogaamiye wanaagsan ayey bulshadeedu ka horumartaa kana barwaaqo iyo badhaadhe badataa bulshadda dalalka kale ee Caalamka. ciidanka somaliland in loo diyaariyo  hogaamiyaayaal leh  aqoon hogamineed   waxay u baahantaha ina la xusho dadka dadka aqoonto hogaamineed leh ee bulshada iyo xukuumaddu ka midaysan yihiin hogaamintiisa taas oo surto galinaysa in lagu soo saari karo hogaamiye wanaagsan oo qaada masuuliyadda hogaaminta dalka.

“Hogaaminta wanaagsan maaha hadallo qurxoon oo la sheego iyo in lagu jecel yahay, hogaaminta waxaa lagu qeexaa ama lagu gartaa natiijada uu qofka la yimaado ee maaha waxa qofka laga sheego un “
Hadaba shaqada qaranka loo qabanyo nin walibana waxaa uu qabtay Taariikhda  ayaa qori nin kaga taga waxqabad hufan iyo nin kaleba
Hadal iyo dhamaantii: “Ninkii Timirta beeriyo, kii Tiin Tallaalayba, Taariikhdu way qori
Hambalyo Dufacadii koobaad ee Hablaha Ciidanka Socdaalka Somaliland ImmigrationMaxamed Cabdilaahi Xuseen(Baradho)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker