DOQONIIMO SIYAASADEED: Kulmiye intuu Qaranka ka Xaday $80 000 000 ayuu rabaa inuu Indho-sarcaadiyo.

Kulmiye intuu Qaranka ka Xaday $80 000 000 ayuu rabaa inuu Indho-sarcaadiyo.

Wasiir Sacad Cali Shire: Waa wasiirka ugu Aqoonta, Akhlaaqda iyo Kalsoonida Badan Xukuumada kulmiye, Wuu ku mahadsan yahay inuu arintan soo bandhigo “hortii Miyaad maqasheen waxbaa la innagu leeyahay”, Geesi Guulayso.

Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa: Waa Geesiga Shaaciyey Dayntan ee Shacabka u soo bandhigay “Waa in lagu dalacsiiyaa”, Xisbiga Waddani iyo Qarankana Bilad sharaf Buu ka Mudan yahay “. Ibrahim Waa Aas-aasaha Xisbiga Waddani, Shaacinta Xatooyadana wuxuu ugu hiiliyey Xisbiga & Qaranka labadaba.

Shacabka: Qaybaha Bulshadu waa inay ka fal celisaa Xatooyadan in yari Cuntay, Qof walbana laga rabo inuu Bixiyo.

Xisbiyada Mucaaradka: Waa inay Dacwo ka gudbiyaan Xukuumadihii Kulmiye ee Lunsaday Lacagtan si loo Ciqaabo Xadayaashii.

Taageerayaasha Kulmiye: Wararka aad isla dhexmaraysaan ee Shareerista Xatooyadan ahi waa “Doqoniimo Siyaasadeed” oo idin haysata.

 

Qasim Saleebaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker