Barta Afsoomaaliga Barta Q,4aad Bilowgii Buulka iyo Magac bixii Hooyo.

BUUL waa Aqal Guun ah oo jiray Gu’yaal aad iyo aad u badan, xilliyadii Buulka labilaabi doono, Dadkaynu Ka joognaa waxay ahaayeen dad kala qaybsan oo kala go’ay, taas oo ay ugu wacnayd collaad daba-dheeraatay oo Ka dhex oognayd, Qarniyaal iyo Qarniyaal!, siday u kala fogaadeen iyaga oo isku isir ah ayey kala AF iyo Kala dhaqan Noqdeen!, waxay se ahaayeen hubaal dad Garaad qaba oo garashadu shaqayso!, Buulku markuu tis-qaaday ee uu DHaqan-galayna waxay Noqdeen dad mucjiso ah!!!, Hadaba sooyaalka taariikhda dadka Soomaalidu Ka joogtaa, waa taariikh ilaahay mooyee aanay ciddi ogayn, inta se dib loo raad-raaci karo oo keliya ayaan ciddi Ka gayoonahayn!. Sida ay ila tahay Aqalka Buulka ah waxa la bilaabay Waa’ dadku Kala go’ay, xillyadii Falaadhaha Qaansada laga gano laysku dhamayn jiray, dirrirtiyo Collaadii waxa Shinbir u noqday qoyskii ugu horeeyey ee is calmaday mudo malaha qarniyo badan ah, ee kasoo Kala jeeda reeraha colloobay,
Xabka waa dad colloobay iyo xaalkoode inta laysku diiday ayey kaynta iska xulleen, kolay Hooyadii Buulka bilowday ruux Ka fikir iyo aragti dheer bay ahayd, dadkii la Wakhti ahaa, waayo sida ay uga fakartay Aqal Ka samee Caws iyo Dhir!, kolay markii ay agabka samaysanaysay Saygeedu wuu layaabanaa, inkastoo dadkii hore Dhur-sug lahaa, maalintay dhisidii timi, ayey tidhi kaalay waan cuslaadaye yaanan Cidladan Ku Umiline aan Hoy udhiso Ilmaha, ee ila qabqabo, iyo Hoy maxay ah?
Hoy Ilmaha aan Ku HOOYO!, halkii ayey Ku dhistay Buulkii ugu horeeyey, ee lagu Hooyo Ubad!, markii Buulkeedii Laga yaabay layidhi tani waa Hooyo, oo Ka Dhigan ama Ka macno ah Hoyso ama HooYA, Halkii ayuuna Ka tis qaaday Buulkii Hooyo, Magacu ka raacay, wuxuu na noqday Aqal dib u mideeyey Ummadii oo dhan, waxa Qaadan waa’ ah in Aqalkii Buulka ahaa uu Afaf Dhowr ah, uu AF keliya iskaga dhigay, siday dadku Buulka ugu soo hirteen, iskuna soo Hilloobeen, Buulkii wuxuu Noqday Aqal Ummadi markii ugu horaysay wada yeesheen, Buulkii Hamoodina inuu AQAL-SOOMAALI noqday! Xaasha!, Inaga Soomaalka ah ayuu Buulkii Aqal-soomaali u Noqday, laakiin waxa iga HUBAAL ah Dadkaynu Ka joogno ee Buulka inooga tegey, Aqal-soomaalina Buulka umay Aqoon, iyana Soomaali iskugumay yeedhi JIRIN!!, Hase ahaatee Xeerarkii waagaas la dejiyey, weli waa lagu dhaqmaa!!.
Hadaba maynu joogin goobtaase sidee loo caddayn karayaa in sidaa ama si u dhow wax u dheceen?
Markhaatiyo ayaan hayaa Dhowr ah oo qaar Dad Nool yihiin!!!,
Kuwaas oo kala ah …………………lasoco qormada danbe.
Fuad Fartaag     04-01-2021

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker